Xisbiyada Somaliland oo heshiis rasmi ah ka gaaray arrimaha doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaanka xisbiyada Somaliland ayaa maanta heshiis cusub oo ku aadan arrimaha doorashooyinka maamulkaasi ku gaaray Hargeysa.

Hoggaanka saddex xisbi ee kala ah Kulmiye, UCID iyo Wadani oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay heshiis rasmi ah ka gaareen doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi.

Sidoo kale heshiiskan ayaa bedalaya kii ay horey u wada gaareen xisbiyadaasi 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkan 2020-ka.

Qodobada xasaasiga ah ee ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:-

1: In Guddiga doorashooyinka ay u madax bannaan yihiin Gudashada wajibaadkooda ku aadan howlaha doorashooyinka.

2: Xubnaha Guddiga doorashooyinka ay ka koobnaan doonaan Saddex Xusbnood oo ka socda Beesha Caalamka iyo Xubnihii guddigii hore ee doorashooyinka marka laga reebo labada xubnood ee kuwa hadda jira lagu daray.

3: In Guddiga doorashooyinka ay kusoo diyaariyaan waqtiga doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo kuwa degaanka muddo ku sima 14 Cisho , iyaga oo tixgelinaya in doorashooyinka qabsoomaa sanadkaan 2020.

4: in kuraasta Gobolada ee Golaha Wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii ay u dhaceen doorashooyinkii Golaha Wakiilada ee sanadkii 2005.

5: Saddexda Xisbi waxaa ay ku heshiiyeen in torakoob qaran laga sameeyo guud ahaan degaannada Somaliland kadibna la qabto Doorashada Golaha Wakiilada Soomaaliland.