Sawirro: Madaxda maamul goboleedyada oo gaaray magaalada Jowhar

By Saalax Saciid Sabriye

Jowhar (Caasimadda Online) – Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shbeelle waxaa Goordhow gaaray Madaxda maamul goboleedyada si ay uga qeyb galaan Munaasabada Caleemo-Saarka Madaxweyne waare.

Madaxweynayaasha koonfur Galbeed,Puntland, iyo Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaana iyana tegay jowhar,kuwaas oo Goobjoog ka noqon doona Munaasabada Caleemo-Saarka.

Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Jowhar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la doortay 16-kii bishii hore ee September ayaa maanta uu dhacayaa caleema saarkiisa, kaddib markii labo jeer oo hore uu u baaqday.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxana weli jowhar ku sii qul qulaya wufuud kala duwan, iyada oo Daqiiqadaha nasoo aadan uu gaari doono Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.