R/W Kheyre oo maanta u safraya mid ka mid ah gobollada dalka, sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Jowhar oo xarun KMG u ah maamulka HirShabelle.

Kheyre ayaa magaalada Jowhar uga qeybgali doona Caleemasaarka Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa hadda ku sugan wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada kuwaa oo hordhac u ah wafdiga uu hogaaminaayo Kheyre ee maanta laga sugaayo magaalada Jowhar.

Kheyre ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaaya mas’uuliyiin ka kala tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo kiisa waxaana suuragal ah inay wehliyaan mas’uuliyiin kale.

Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa sidoo kale gaaray magaalada Jowhar kuwaa oo qeyb ka noqon doona munaasabada lagu caleemasaarayo Hogaamiye Waare.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu daadiyay Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid kuwaas oo xaqiijinaya ammaanka wafuuda ka qeyb galeysa Caleemasaarka.

Geesta kale, mas’uuliyiinta ka qeybgali doonta caleemasaarka ayaa waxaa qeyb ka ah Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com