Cashar siyaasadeedka ku jira casuumadda loo diray Xaaf (Farmaajo vs Kheyre)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee baarlamankiisu sheegeen inay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu usoo diray casuumadda ka qeyb galka shirka uu ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Tallaabadan ayaa muujineysa, in dowladda ugu dambeyn aqoonsan tahay in Xaaf weli uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Galmudug.

Waxay sidoo kale muujineysaa laba hab siyaasadeed oo kala duwan oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku kala wajahayaan arrinta maamul goboleedyada, ayada oo madaxweynaha uu isku dayayo inuu diblomaasiyad wax ku xaliyo, halka ra’iisul wasaaraha aaminsan yahay awood.

Markii shirka Kismaayo uu soo geba geboobay, madaxweynaha ayaa soo saaray qoraal uu ku baaqayo wada-hadal iyo midnimo, halka ra’iisul wasaaraha uu khudbad uu jeediyey ay ka muuqato hanjabaad iyo awood sheegasho.

Casuumadda loo diray Xaaf ee shirka Kismaayo, ayaa mar kale muujineysa in weli madaxweynaha wada-hadal wax ku raadinayo, halka ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa ay ku mashquulsanaayeen in la qabto doorasho madaxweyne cusub loogu yeelayo Galmudug.

Waxaan caddeyn in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inta kulmeen ka wada hadleen arrintan, iskuna raaceen in Xaaf la casuumo, iyo in madaxweynaha si gooni ah uu go’aankan u qaatay.

Wax kasta oo ay tahayba casuumadda loo fidiyey Xaaf ayaa yareyn karta xiisadda dowladda iyo maamul goboleedyada, oo la saftay Xaaf markii ay is qabteen dowladda. Waxay sidoo kale saxiix dhab ah saareysaa sharci ahaanshaha madaxweyne ee Xaaf ee muranka uu ka taagnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com