Sawirro: Madaxweyne Biixi oo maanta qaabilay wafdi ka socda dalka Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanno ka socda waddanka Jabuuti, kuwaas oo qayb ka ahaa wafdi ballaadhan ka socday Jabuuti oo dalka u yimid ka qayb-galka munaasibaddii 18-ka May oo si ballaadhan looga xusay guud ahaanba Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayuu ugu horeyn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si mug leh uguga mahadnaqay wafdiga xildhibaannada ah ee ka socda dalka Jabuuti sida ay xilkasnimada iyo walaaltinimada leh ee ay shacabka reer Somaliland ugala qaybgaleen munaasibadda 18-ka oo ah maalin ay guud ahaanba bulshada Somaliland si weyn ugu dabbaal-degto markey ku dhawaaqday inau gooni u go’day.

Xubnaha wafdiga, ayaa dhankooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey dhambaal hambalyo iyo salaam ah oo ay ka sideen madaxda kala duwan ee dalka Jabuuti, waxana ay madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku ammaaneen Dimuqraaddiyadda iyo xasilloonida ka hana-qaadday dalka oo ku sifeeyeen mid tusaale u noqon karta dalalka geeska Afrika iyo guud ahaanba caalamka.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhankiisa ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimada, derisnimada, ganacsiga iyo dublamaasiyadda ku dhisan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Jabuuti, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay taabbo-gelinta xidhiidhkaas iyo ka midho-dhalintiisuba.

Wafdiga xildhibaannada ah ee ka socda dalka Jabuuti, ayaa kamid ah wufuud kala duwan oo waddamo badan oo adduunka ah ka kala socotay, kuwaas oo dalka u yimi inay shacabka kala qayb-galaan dabbaal-degga munaasibadda 18-Ka May, waxana kulankan madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com