Cali Maxamuud Axmed oo dil toogasho lagu xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka Darawal Mooto Bajaaj,  kaasi oo darawalka ku dilay Muqdisho.

Eedeysanaha la xukumay ayaa lagu magacaabaa Dable Boolis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan ku dilay agagaarka Tarabuunka Darawal Mooto bajaajle oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Guure, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.

Kiiska askarigaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa dhageysigiisa ay ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay xukunka Askariga.

Maxkamadda ayaa sheegtay eedeysanaha la xukumay inuu haysto Racfaan uu ka qaadan karo kiiska.

Waa Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka darawal Mooto Bajaaj, iyadoo dhawr mar dilal ka dhacay Muqdisho ay gaysteen askar, balse aanan la soo taagin maxkamad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com