Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey in jabhado hubeysan uu sameeyay

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu  eedeeyey inuu sameeyey Jubhado Hubeysan.

Maxamed Axmed Kaahin oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay jamhado hubeysan xilli uu Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabhadaha uu sameeyey Farmaajo loogu talagalay in lagula dagaalamo Maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Jamhaddaha hubeysan qaar ka mid ah ragga hoggaaminaya ay Somaliland u taqaano si wanaagsan oo lagu doonaayo in lagu burburiyo Somaliland.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhibaato ku haayo degaanada maamulka Somaliland.

Wafdi ka socday Somaliland oo ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Nairobi ayaa la kulmay qaar ka mid ah Safiiradda Calaamka, waxaana ay sheegeen in ay kala hadleen xaaladdaha Somaliland oo Jamhaddaha ay ugu horreyso.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Jamhad hubeysan ay ka dillaacday gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwasoo fadhigooda uu yahay Magaalada Qardho, islamarkaana la dagaallama Somaliland.

Dhawr sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa soo goystay waxayna ku dhawaaqeyn dagaal ka dhan ah Maamulkaas, waana sababta keentay inay Somaliland ku eedeyso Farmaajo inuu isaga dambeeyo jabhadaha lagu abuurayo deegaanadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com