Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka badbaaday qarax loo dhigay gurigiisa agtiisa

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka Shabakadda Caasimadda Online ay ka heleyso Magaalada Kismaayo  ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu fashiliyay qarax miino ahaa.

Ciidamada ilaalada u ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qaraxaas oo lagu aasay meel ku dhow Guriga uu Kismaayo ka degan yahay Musharaxa.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ilaalada u ah Xildhibaan Xidig ay arkeen qaraxa lagu aasay meel dhowr Tallaab u jirta Guriga Musharaxa,sidaasina ay ku fashiliyeen.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com