Xisbiga UPD oo qodobo xasaasi ah kasoo saaray xiisadda DF iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, ayaa qodobo xasaasi ah kasii saaray frao-gelin uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha Galmudug.

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay inuu si dhow ula socdey xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

“Ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in Waajib Qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay xisbiga.

Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga