Sawirro: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo amar culus dul-dhigay hay’adaha QM

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay k UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa amar culus dul-dhigay hay’adaasi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran golaha wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa faray mas’uuliyiinta hay’adaha uu la kulmay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada HirShabelle.

Inta uu shirka socday ayaa labada dhnac waxa ay isla soo qaadeeb howlaha ha’yaddahaasi ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale madaxda hay’addaha ayaa dhankooda sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan HirShabelle, waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.

“Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan HirShabelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe oo boggaadiyay madaxda hay’adaha QM ee uu maanta la kulmay.

Kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan qaybo kamid ah HirShabelle ay ku dhufteen fatahaad uu mar kale wabiga Shabelle ka gaystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.