Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ajendayaal ay ka mid yahiin wax-soosaarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Sidoo kale qodobada shirkaas diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbadelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika.
Madaxweynaha ayaa madaxdaas kala hadli doona si loo dardar-gelinayo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
Madaxweynaha waxaa Nairobi ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale uu ugu horeeyo.
Shirka uu madaxweynuhu ka qeyb galkiisa u tegay Nairobi oo heer madaxweyne ah waxaa ka soo qeyb geli doona inta badan madaxweynayaasha dalalka Afrika.