28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Sawirro: Madaxweyne kamid noqday Shaqaalaha Qashinka ka nadiifiya waddooyinka dalkiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Slovenia Borut Pahor ayaa bilaabay shaqooyin cajiib ah si uu kalsooni uga helo shacabkiisa kadib markii si joogta ah uu uga qeybqaatay Nadaafada dalkiisa.

Borut Pahor ayaa ka hor imaaday in howlaha Nadaafada lagu daayo keliya shacabka iyo shaqaalaha Dowlada kuwooda qaabilsan bilicda dalka.

Borut Pahor, waxa uu sheegay in dalka uu yahay dalkiisa isla markaana uusan garaneynin sabab uu ku fadhiyo kursiga marba haddii uusan la shaqeyneynin shacbka dalkiisa.

Borut Pahor, waxa uu sidoo kale ka qeybqaadanayaa dhismaha waddooyinka qaar waxa ayna ishu qabaneysay isagoo Makiinad ku simaaya mid kamid ah laamiyaasha dalkiisa.

Borut Pahor oo 53-jir ah ayaa sheegay in shaqada noocaani ah uu ku jiro caafimaadkiisa sidaa darteedna uusan garaneynin sabab uu ku nasto.

- Advertisement -

Read more

Local News