Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo tagay Booraama +Ujeedada

Borama (Caasimada Online) ― Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) iyo Wafdi balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay galabtii gaaray Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Wasaaraddaha Beeraha, Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska ayaa lagu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Awdal ee Borama.

Maamulka heer gobol iyo heer Degmo ee gobolka Awdal oo hadal ka jeediyey soo dhaweynta loo sameeyey wafdiga uu Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa sheegay inay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin imaanshaha wafdiga sidoo kalena ka warbixin doonaan waxqabadka iyo horumarka ay u idman yihiin ee gobolka iyo degmadaba.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Axmed Muumin Seed oo ka hadlay ujeedada wafdiga ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wafdigiisu ay dhawr maalmood ku sugnaan doonaan magaalada Borama islamarkaana ay kulan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa uu magaalada Borama ku sugnaan doona muddo ku siman Afar maalmood, isagoo kulamo kala gedisan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Awdal.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa