Sawirro: Muxuu yahay shirka qorshaha hormarinta xoolaha ee Muqdisho ka furmay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho ka furtay shir weyne looga hadlayo istaraatijiyada hormarinta xoolaha Soomaaliya.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Federal-ka, Madaxda Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada, Hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada midoobe u qaabilsa ee FAO iyo Bankiga Aduunka xubno ka socday.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirka furay ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay nidaamka dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya, isagoona xusay in marka laga yimaado dhoofka xoolaha ay sidoo kale fursad u tahay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamed Xuseen ayaa dhinaciisa xusayin shirkaan oo seddex cisho ka socon doona Muqdisho in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ka go’an in ay u howl gasho sidii loo horumarin lahaa malaayiinta xoolo dhaqatada ah, ganacsatada xoolaha iyo dhammaan dadka noloshoodu ku xiran tahay wax soo saarka xoolaha. Si ay arrintaani u dhaqan gasho waxa hay’adaha dowliga ah looga baahan yahay in ay diyaariyaan siyaasadda , istiraatiijiyadda iyo shuruucda kale ee lagu hirgalinayo horumarinta xoolaha iyo nolosha xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Gebagebada shirka ayaa la fikayaa in war murtiyeen qeexaya qodobadii la isla gartay laga soo saaro.