Sawirro: Mareykanka oo soo furtay dhallinyaro Soomaali Mareykan ah oo lagu hayey xarun ku taalla Nairobi

By Caasimada Online

Nairobi (Caasimada Online) – Waxa ugu weyn oo ay ka cabsadaan dhallinyarada Soomaali Mareykanka ah ee lagu xabisay Xarunta Dhaqancelinta Irshaad, waa qolalka lagu karantiilo oo ay keli keli ugu jiraan. 

Markii ay isku dayaan inay ka dhiidhiyaan xeerka u degsan xarunta ama ay gebi ahaan diidaan, waxaa loo dhaadhiciyaa qolalkaas ku yaalla dhulka hoostiisa oo leh gidaarro la dulmariyay fiilooyin leh danab koronto oo nool iyo siligyo. 

Cabdirizaaq Aaden Axmed, oo ah da’yar Soomaali Ameerikaan ah oo ka yimid magaalada Mechanicsburg ee gobolka Pennsylvania, wuxuu sheegay in waqtigiisa ugu bada, siiba habeenkii lagu go’doominayey qolalkaas qol kamid ah, muddadii sideedda bilood ahayd oo uu go’aan aan kiisa ahayn ugu jiray xarunta Irshaad oo ku taalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. 

Xarunta Irshaad iyo xarumo kale oo lamid ah oo ku yaalla Soomaliya iyo Kenya waxay il ganacsi ka arkeen – inay dhaqanceliyaal aqoon leh isaga dhigaan – waalidiinta Soomaaliyeed ee qadyaanka ka jooga barbaarinta iyo tarbiyada ilmahooda qaar oo ay daroogadu dilootay, maskax ahaan jiran, caaqyaal ah kana tagay dhaqankii Soomaaliga. 

Cabdirizaaq hooyadiis oo inankeedu qabtimay isticmaalka xashiishka Marijuana waxay sheegtay inay bil walba ku bixiso lacag dhan $600 wax ay xaruntu kula balantay oo ah in wiilkeedu kaga caafimaadi doono cabidda iyo qabtinka maandooriyaha. 

Laakiin xaqiiqadu way kasii warwar badan tahay intaas. 

Cabdirizaaq wuxuu sheegay in gudaha qolalkaas gudcurka ah uu dharbaaxi jiray nin uu ku sheegay Cherad Abubakar oo kormeere guud ka ah xarunta kuna daadiyay kaadi iyo biyo qabow si uu u dhadhamiyo ciqaab uga timid sababtii uu aayado qur’anka kamid ah u xifdin waayay. 

Cabdirizaaq oo 18 jir ah, waxaa looga tagay qolka isaga oo qaawan – qarqaryoonaya – wax gogol ahna aan loo dhigin. 

“Waa i jirdilayeen,” ayuu yiri. 

Bishii April, booliska Kenya ayaa howlgal ay ka fuliyeen xarunta Irshad kusoo badbaadiyay Cabdirizaaq iyo shan kale oo Soomaali Mareykan ah iyo kuwa kale oo UK, Canada iyo Holland kasoo jeeda. 

Safaaradaha Holland iyo Maraykanka ee Nairobi ayaa dib ugu celiyay muwaadiniintooda dalalkii laga keenay. 

Xaruntu waxay kamid tahay dhowr xarumod oo safaaradda Maraykanka ay kasoo furatay muwaadiniin da’yar ah kuwaas oo ka furan gudaha Kenya iyo Soomaaliya. 

Sida ay ku warramayaan dad horay ugu jiray xarunta, shaqaale hore oo usoo shaqeeyey, diblomaasiyiinta Maraykan ah, geyfanayaal xuquuqda aadanaha u dooda iyo booliska Kenya, Irshaad iyo xarumo kale oo dhaqancelin ah wax yar ayay ka fiican yihiin xabsiyada caadiga ah, waxaana lagu jirdilaa looga xayuubiyaa xurriyadda gaarka ah da’yar badan oo kusoo barbaaray Maraykanka iyo Yurub. 

“Xarumahani ujeedkoodu waa inay lacag helaan,” ayuu yiri Robyn Luffman oo ka howlgala safaaradda Maraykanka ee Nairobi. 

Safaaraddu waxay sheegtay inay jiraan 4 xarumood oo sharciyaysan kuwaas oo ka howlgala Kenya oo labo kamid ah ay boolisku holwgal ka sameeyeen sannadkii 2017-ka. 

Afhayeenka Guddiga Qaran ee Ololaha Ka-dhanka ah Maandooriyaha ee Kenya oo si dhow ula socota xarumaha dhaqancelinta ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo eedeymaha loo jeediyay Irshad. 

Xarumo badan oo dhaqancelin ah ayaa ka furan Soomaaliya – iyaga oo aan wax badan aysan kala soconin dowladda dhexe, marka lo eego diblomaasiyiinta iyo geyfanaal xuquuqda aadanaha u dooda. 

“Boqollaal ayaa ku jira xarumahaas – mana sheegi karno tirada saxda ah,” ayuu yiri Guuleed Axmed Jaamac oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha oo Soomaali ah.

Burburkii dalka ayaa la yimid in Soomaali badan ay u dhoofaan Yurub iyo Maraykanka, carrur badan ayaana ku dhashay dhulkaas oo dhaqankii wacnaa iyo barashada diinta aan si fiican uga haqabeelin. Mana ka baxaan ilmuhu talada waalidkooda ilaa ay ka guursadaan oo ay ka noqdaan qoys gaar u degan. In badanna, waxaa duufsada nolosha ka-dhacda ah ee ka jirta jidadka qaar – iyaga oo la saaxiiba tuugada hubeysan – qabatimana isticmaalka daroogada. 

Tani waxay ku kaliftaa waalidiin badan inay ilmahooda ula soo baxsadaan Afrika. Bartilmaameedka ugu weynna waa Kenya iyo Soomaaliya. 

Qaar badan ayaa geeya deegaannadooda si ay afka iyo dhaqanka usoo baraan; in kale-na, waxay usoo wadaan xarumaha dhaqancelinta kuwaas oo u sameeya balamo aan dhab u hirgelin inta badan. 

“Waxaan aragnay kiisas badan oo waalidka dhibanayaasha aysan fikrad ka haysan xaaladaha ayna naxaan marka ay maqlaan xadgudubyada jir, maskax iyo galmo ee lagula kaco caruurtooda,” waxaa sidaas yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.   

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa soo saartay diginin ah in xarumaha noocaas ah “ayan haysan shatiyo ay ku howlgalaan ama aysan jirin korjoogteyn lagu sameeyo.”

A man walks by the Irshad Rehabilitation Centre in the Eastleigh neighborhood in Nairobi, Kenya.

A security guard sits in the exterior courtyard at Irshad Rehabilitation Centre in Nairobi, Kenya.
Security cameras show the interior courtyard at Irshad Rehabilitation Centre.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com