Sawirro: Mas’uuliyiin booqatay furumaha dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – C/lahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo xubno ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa booqday furumaha ciidamada maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin.

Fartaag iyo xubnihii uu hogaaminaayay ayaa socdaalkooda ka bilaabay Jaamacadda magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u farabadan oo loo diyaariyay isku dhafka.

Fartaag iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa booqashadooda ku xijiyay difaaca ciidamada darawishta ay ku leeyihiin Dugsiga tababarka cidamada ee akaadiimiyada waxaana ay soo kormeeren difaacyada ciidamada.

Mas’uuliyiintaasi ayaa halkaasi kula hadlay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa difaaca waxa ayna u sheegen in salaan iyo bogaadinba ay kaga wadaan madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe.

Saraakiisha iyo Ciidamada ayay ugu baaqen inaan la dayicin howlaha shaqo oo ay ka hayaan Furumaha ciidamada.

Fartaag waxa uu sharaakiisha ugu baaqay in cabashooyinka ciidamada ay usoo gudbiyaan maamulka.
fartaag1

fartaag2

fartaag3

fartaag4

fartaag5

fartaag6

fartaag7

fartaag8

fartaag9

fartaag10

fartaag11

fartaag12

fartaag13

fartaag14

fartaag15

fartaag16

fartaag17

fartaag18

fartaag19