Muxuu Dabageed ka yiri dagaalka Beledweyne?!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiran Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan Magaalada Baladweyne.

Dabageed waxa uu sheegay in suuragal aysan aheyn in xiligaani ay dib u soo laabtan dagaaladii horay xalka looga gaaray waxa uuna ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo dagaalada ka socda Baladweyne.

Dabageed waxa uu sheegay in mudadii uu xilkaasi hayay uu ka shaqeyn jiray xalinta beelaha wada dega guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Wuxuu wax laga xumaadu ku sheegay in wakhtigaani kala guurka ah ay isku mashquulan beelaha walaalaha ah ee wada dega Beledweyne, waxa uuna eedaasi dusha u saaray mas’uuliyiinta maamulka ee ka gaabineysa xal u helida dagaalka taagan.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha ayuu ugu baaqay inay xal waara u raadiyaan colaada sii xoogeysaneysa waxa uuna ku taliyay in marka hore si KMG ah loo kala qaado beelaha uu dagaalka u dhexeeyo.

Haddalka Dabageed ayaa kusoo aadaya xili beelo walaalo ah ay ku dagaalamayaan magaalada Baladweyne, kaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay xasiloonida magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com