Somali ku kacay fal aan looga baran Soomaalida

Muqdisho(Caasimada Online):-Maxkamada ku taalla Jesiiradda Malta ayaa xukun hal sano ah ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa Xeradda Furan ee Marsa ee Jesiiradda Malta.

Muwaadinkaani oo lagu magacaabo Mohamed Hagi Abdiwahab Nur ayaa lagu soo oogay danbi la xiriira tuugnimo, kadib markii goomiste halkaasi ku yiilay uu ka xaday Taayarka gaadiidka.

Mohamed Hagi Abdiwahab Nur ayaa goortii uu xadaayay lugtaasi sheegay inuu ahaa sarqaan, waxa uuna qirtay in falkaasi uu ku dhaqaaqay balse uu miirdaboolnaa xiligaasi.

Sheri Herera oo ah Dacwad qaadihii maxkamada ayaa sheegtay in Mohamed Hagi Abdiwahab Nur uu xatooyada noocaasi ah horay u geystay ilaa 8 jeer, islamarkaana mar waliba uu ahaa mid ku andacoon jiray inuu yahay saqraan.

Sheri Herera ayaa ku xukuntay eedeysane Mohamed Hagi Abdiwahab Nur Xabsi Hal sanno ah, waxayna ku canaanatay inuusan is xakamayn karin marka uu alkolka cabo, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan Soomaalida ku nool xerooyinka Jesiiradda Malta, ayaa lagu eedeeya inay kasoo hormuuqdan maxkamada sababo la xiriira isticmaalka maandooriyaha dadka miir daboola.

Ma aha muwaadinkii ugu horeeyay ee fal noocaasi ah loo xakumo waxa uuna muwadainkaani horay u galay danbiyo kala duwan oo la xiriira xatooyo hanti dad kale ay leeyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com