Beesha Digil & Mirifle oo wacad ku maray dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir aay albaabada u xiran yihiin oo aay maanta ku yeesheen xildhibaanada, oday dhaqameedka, iyo siyaasiinta beelaha Digil & Mirifle ayaa mar dhow la soo gaba gabeeyay.

Shirka oo diiradda lagu saaray ismaandhaafka u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo habkii lagu soo xuli lahaa xildhibaanada sanadka danbe ee 2016.

Beesha D&M ayaa wacad ku maray in aanay marnaba qaadaneyn oo aay dagaal ka xigaan in deegaan wax lagu qeybsado. Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka D&M ayaa Caasimada Online u sheegay in aay dhiig iyo maalba ku bixinayaan inaanan xaqooda la duudsiyin.

Sharif Xasan Sheekh Adan, oo shirka yimid gelinkii danbe ee maanta ayaa waxaa halkaa lagu weydiiyay su’aalo kul-kulul, isagoo looga digay in aanu qaadan karin wax aan ahayn awood qeybsiga 4.5.

Shariif Xasan ayaa isku dayay in uu u sheego ergada in talada kaligiis aanay ka go’in, arrinkan oo keenay buuq iyo sawaxan iyo in waliba loogu goodiyay haddii uu yeelo wax ka baxsan 4.5 in uu isaga tegi doono kursiga.

Dadka ka faalooda siyaasadda ayaa sheegaya in ay tani tahay bilow dagaal dheer oo uu dhiig badanku daato, ilaa Soomaalida ay garawsadaan in nidaamka federaalka ah aanu wax colaad ah mooyee uusan keeni doonin wax anfac ah.

Dadka qaar ayaa qaba in ay Soomaaliya maanta u baahan tahay in la helo waddo ka duwan midda hadda lagu raadinayo siyaasad waarta, waxa ayna ku baaqeen in bacdamaa baarlabaanka hadda jira uu ku dhisan yahay 4.5 loo dayo halkiisa ilaa laga helayo nidaam la isku waafaqsan yahay oo lagu gaari karo xal waara, isla markaana muddo kordhin laba sano ah loo sameeyo baarlabaanka hadda jira ilaa laga helaayo xildhibaano lagu soo doortay qof iyo codkiis (one person -one-vote)

Nidaamkan 4.5 ayey Soomaalida oo dhan u arkaan in uu yahay nidaam qariban oo aan ku saleysneyn cadaalad.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com