Sawirro: Maxaa kasoo baxay booqashadii Maxamed bin Salmaan uu ku tegay Qatar?

Doha (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ammaanka gobolka kala hadlay Qatar, intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii ay boqortooyada soo afjartay xanibaad afar sano ah. 

Maxamed bin Salman ayaa Doha yimid habeenkii Arbacada taasi oo qeyb ka aheyd booqasho uu ku marayo Khaliijka, ku dhowaad sanad kadib markii xiriirka labada dal lasoo celiyey bishii Janaayo 2021.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, ayna xiriir dhow la leedahay Iran — eedeymahaas oo ay Doha beenisay. 

Intii ay socdeen wada-hadallada amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, labada hoggaamiye ayaa is-weydaarsaday aragti ku saabsan “wax kasta oo lagu ilaalin karo xasilloonida iyo amniga gobolka,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka Qatar ee QNA. 

Sheikh Tamin “ayaa adkeeyey in booqashadan muhiimka ah ay xoojin doonto xiriirka qotada dheer ee taariikhiga, xilli gobolka uu marayo duruufo,” ayey tiri warbixinta 

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale booqday garoonka kubadda cagta Lusail, oo marti-gelin doona cayaarta kama dambeysta ee ah koobka adduunka ee sanadka dambe.

Maxamed bin Salman ayaa sidoo kale booqday dalalka Cumaan iyo Imaaraadka Carabta, kahor inta aanu Qatar uga sii gudbixn Baxreyn Khamiistii, halkaasi oo Jimcaha maanta ah uu uga sii gudbi doono Kuwait. 

Lixdan dal ee Khaliijka ayaa kulan madaxeed ku qaban doona Riyadh toddobaadka soo socda. 

Safarka Maxamed bin Salman ee gobolka ayaa waxaa mugdi geliyey xariga nin la tuhmayey inuu ku lug lahaa dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo lagu qabtay garoonka diyaradaha Paris Arbacadii.

Ninkaas ayaa lasii daayey kadib markii mas’uuliyiinta Faransiiska ay sheegeen in lagu khalday qof kale.

Dilka Khaashuqji oo October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa waxaa la sheegay inuu amray dhaxal-sugaha, hase yeeshee bin Salman wuu iska fogeeyey inkasta oo uu aqbalay mas’uuliyadda guud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii