13 agaasime waaxeed oo u jawaabay shaqaale eedeeyay wasiir KHADIIJA DIIRIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawr iyo tobon agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ayaa warqad ay ku saxiixanyihiin oo wasaaradda kasoo baxday ugu jawaabay eedeyn ay jeediyeen 16 shaqaale wasaaradda ka tirsan oo ka dhan ah wasiirka wasaaradda Khadiijo Diiriye.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay warqad baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegeysa in shaqada laga tiray shaqaale ka tirsan wasaaradda, iyadoo sheegtay in warqaddaas ay tahay mid sharci darro ah.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inay sharci draro tahay warqad labadii maalin ee la soo dhaafay lagu baahiyay warbaahinta bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay,” ayaa lagu yiri warqadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Ibraahim uu si ku meel gaar ah ula joogay wasaaradda, isla markaana toddoba bil kahor uu ku laabtay Garowe, isla markaana uusan ka mid ahayn shaqaalaha wasaaradda.

Warqadda ayaa lagu faahfaahiyay arrimo badan oo wasaaradda ku saabsan , iyada oo sidoo kale lagu bogaadiyay wasiiradda oo ay agaasimeyaasha ku tilmaameen in dareen hooyonimo ay ku hoggaamiso wasaaradda.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey wasiirka wasaaraddaas in ay si bareer ah uga jartay mushaarkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen, iyagoo weliba ah shaqaale rasmi ah oo imtixaan ku helay shaqooyinka ay hayaan.

Shaqaalahaas oo sida la sheegay gaaraya 16 isku deegaan ka soo jeeda ayaa siday qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, iyagoo sidoo kale wasiirka wasaaradda Khadiija Maxamed Diiriye ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda.

“Arrintaas way caddahay, waxa meesha wada jooga waa in is taqaan,” waxaa sidaas yiri Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah shaqaalaha tabashada qaba, oo isagoo Garoowe jooga la hadlay BBC-da.

Ibraahim ayaa sheegay inay qeyb ka ahaayeen shaqaalihii lagu bilaabay wasaaradda oo wasaaradaha lagu soo daray markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna imtixaan u galeen shaqada kaddibna ay ku guuleysteen.

“Markii timid wasaaradda, isla markiiba waxay qoratay dad deegaan-doorashadeeda ah ayay si mutadawacnimo ah u qoratay, oo ay tiri dakhli ayaan u raadinayaa, annaguna dad Soomaaliyeed bay ahaayeen waan soo dhoweynay, marka dadkii ayaa aakhirkii nalagu beddeshay, sidaas ayaan ku heynaa caddeyn rasmi ah oo ay dadkii boosaskeennii iyo xuquuqdeenniiba ku heystaan” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa sheegay in cabashadooda ay gaarsiiyeen madaxweyna, ra’iisul wasaaraha, Guddiga Shaqaalaha iyo meelo kale oo badan, balse aan ilaa haatan waxba laga qaban.

“Waa wax in muddo ah soo socday, waxaa kale oo jira faquuq gaar ah oo nalagu hayay, marka cabashadeenna cidna waxba kama qaban, meel walba wana gaarsiinnay waxaana ugu dambeeyay Wasaaradda Maaliyadda oo xuquuqdeenna gacanta ku heysay.” Ayuu yiri Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah shaqaalaha ka cabanaya Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii