“Dowladdu haddii ay qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa soo jeediyay in marnaba aan laga cabsan in dagaal meesha looga saaro dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday, haddii ay wada-hadal wax uga badalmi waayan.

“Dowladda haddii hadal ay wax ku yeelayso waa lala hadla, haddii banaanbax wax ku yeelayso waa lagu banaanbaxa, haddey qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana,” ayuu yiri Maxamed Waare.

Waxa uu sheegay in waddanka uu kusii socdo meel xun oo aan laga soo laaban karin, haddii aan hadda wax laga qaban, isaga oo mucaaridkana u soo jeediyay inay mowqif wada jir ah ku wajahaan xaalada dalka.

“Waxaa dhihi lahaa horta doorashada waxay Farmaajo is hayaan waa idinka (Midowga Musharaxiinta) ma aha maamul goboleedyada,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle oo si gaar ah farriin ugu diraya Midowga Musharaxiinta.

Waxa uu intaas kusii daray in Ra’iisul Wasaaraha lagaga adkaaday awooda dowladda, islamarkaaana ay hadda la gudboon tahay in uu ka shaqeeyo doorasho dhex-dhexaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka kal hore qaadaceen sida ay u socota doorashada, kadib markii kuraas kamid ah doorashada Golaha Shacabka loo maray hanaan ka duwan midkii lagu heshiiyay.

Mucaaridka ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday kulamo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka, kadib markii ay ku tilmaameen doorashada socota mid boob iyo awood sheegasho ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii