XOG: Siyaasiyiin HAWIYE ah oo MUQDISHO ka billaabay ololaha doorasho ee DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa Muqdisho ka billaabay ololaha doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo inuu isku sharaxo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynha Puntland Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho ka qortay shaqsiyaad sirta iyo xogta siyaasadda Muqdisho u qaabilsan oo Hawiye ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona qorshihiisa doorasho.

Kooxdan waxey isugu jiran siyaasiyiin dhallinyaro ah, xildhibaano hore, dad hadda xildhibaano u sharaxan iyo suxufiyiin. Shaqada ay dadkaan Saciid Deni u qaban doonaan ayaa ah inay u keenaan:

1- Guuxa magaalada Muqdisho yaalla
2- Caqabaddaha musharixiinta Hawiye heysta
3- Ka iibiya beesha Hawiye inuu Deni dhismi karo, oo ay liidato fursadda Hawiye, waxna ku darsadaan.

Siyaasiyiinta howshaan loo xil saaray ayaa magaalada Muqdisho sameystay xarumo ay isugu yimaadaan, islamarkaana ay ku uruuriyaan xogaha, waxaaa mashruucaan bil kasta lagu bixinayaa lacago tobanaan kun oo dollar ah.

Saciid Deni oo la filayo inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku arka inuu yahay siyaasiga kaliya ee Farmaajo kaga guuleysan kara kursiga Villa Somalia.

Siyaasiyiinta u taagan xilka madaxweynaha ee kasoo jeeda Hawiye ayaa waxaa ugu cadcad Xasan Sheekh iyo Shariif oo labadaba horey usoo noqday madaxweyne, hase yeeshee tirada musharaxiinta Hawiye oo aad u badan darteed, waxaa laga cabsi qabaa in si la mid ah 2016-kii laga dhex bixiyo kursiga madaxweyne.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii