Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ka dhacay xafiiska R/Wasaare Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale la kulmay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dadajinta kuraasta Gobollada Waqooyi (Somaliland), xilli ay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi soo saareen Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka uu Rooble la qaatay labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu u ballan-qaaday labada dhinac in doorashadaas ku dhici doonto si hufan oo caddaalad ah.

“Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.”

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.”

Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed oo asagu door weyn ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi

Si kastaba, waa markii labaad ee Ra’iisul Wasaaraha ka dalbo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay soo gudbinayaa liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.