Video: Hooyada Ikraan Tahliil oo WAR cusub soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa mar kale ka hadashay kiiska gabadheeda la la’ayahay ayada oo farriin u dirtay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaali Maxamed Guhaad oo maanta oo Isniin ah ka qeyb gashay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu kasoo saaro meesha uu ku ogyahay gabadeeda.

Hooyo Qaali ayaa Farmaajo ugu baaqday inuusan siyaasadeyn kiiska Gabadheeda Ikraan, waxayna ku eedeysay inuu hor taagan yahay in cadaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyey afduubka iyo dilka loo maleenayo in loo geystay Ikraan.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadheyda maanta hadaad hayso berri ma haysaneysid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su’aalayaa adiga oo taagyar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tahay,” ayay hadalkeeda kusii dartey hooyo Qaali.

Hooyo Qaali ayaa hey’adaha cadaaladda ugu baaqday inay sii dhaqaajiyaan gal-dacwadeedka loo gudbiyey isla markaasna ay ka shaqeeyaan sidii si deg deg ah loogu heli lahaa jawaab ku dhisan cadaalad.

Ku dhowaad saddex bilood ayay maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka haysay jago ah madaxa ammaanka internet-ka.

Hadalka hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadayo xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka ka dhashay kiiskaan oo u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isuwlasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeysanayo in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda halka madaxweyne Farmaajo uu difaacayo saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo kamid ah eedeysanayaasha kiiska Ikraan.