Sawirro: Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Ceelwaaq

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Somalia.

Sayid Aadan ayaa waxaa garoonka Ceelwaaq kusoo dhoweeyey wasiirka amniga Jubbaland, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Ujeedka booqashada madaxweyne ku xigeenka ee Jubbaland ayaa la xiriirta 16-ka kursi ee loo wareejiyey Ceelwaaq, taas oo shalay ka bilaabatay magaaladaasi wuxuuna isla-markii booqday hoolka ay ka socoto doorashada kuraastaas oo uu weli muran ka taagan yahay.

Sidoo kale Saydika ayaa kormeeri doono xaalada guud ee deegaanka si u qiimeeyo amniga, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Ceelwaaq.

Safarkan ayaa ku soo aadaya ,iyadoo shalay degmada Ceelwaaq uu tagay madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goobjoog ahaa doorashada ka dhacday halkaasi, wuxuuna sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoonka.

Amniga Ceelwaaq ayaa haatan si weyn loo adkeeyey, waxaana iska kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada ka bilaabatay magaaladan ayaa dhalisay khilaaf horleh, waxaana sharci darro ku tilmaamay Farmaajo iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.