Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo wafdiga ay u dirtay DF?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilsay wafdi ka socday dowladda federaalka, kaas oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wadigan oo shalay gelinkii dambe Kismaayo ka dagay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ciidan.

Ugu horreyn labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Warar aan heleynyo ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odowaa ay si gaar ah Axmed Madoobe ugula hadleen sidii Jubbaland looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah Al-Shabaab, sida gobollada kale, si culeys loo sii saaro kooxdaasi.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhaqaajiyo howlgallada ka socda Jubbooyinka, sidoo kalena lag howgaliyo ciidamo badan oo lagu diyaariyey magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna si buuxda gacanta ugu heysaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku leedahay sadhig weyn.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa horboodeyso kacdoonka ka billowday, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka oo haatan toos ula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.