28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Sawirro: Maxay ka wada hadleen Xasan Sh. iyo safiirada carabta?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Safiirada Wadamada Jaamacadda ee Somaliya kala hadlay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mid ah Gobolada Wadanka.

Kulanka, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Qaranka ee abaaraha iyo Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxaana si dhow looga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka taagan.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Safiirada Jaamacadda Carabta ugu baaqay in Somaliya ka caawiyan xaaladda adag ee ka dhalatay abaarahan.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee abaaraha, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay in dhibaatada maanta ka jirta Somaliya looga bixi karo, iyadoo leeska kaashaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay.

Diblomaasiyiintii Carbeed ee ka qaybgashay kulankan, ayaa sheegay in farrintan ay kaga timid dadka Somaliyeed, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan.

- Advertisement -

Read more

Local News