29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Kulamo la isku mari la’ yahay oo Cadaado uga socda xildhibaanada BF iyo Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ka socda kulamo u dhexeeya Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia iyo kuwa Galmudug.

Kulamada socda ayaa waxaa xal loogu raadinayaa xiisada ka dhex aloosan Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed iyo Xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada Labada Aqal ee BFS ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Arrimaha Guddaha Odawaa, waxaana lasoo warinayaa in Xildhibaanada uu hogaaminaayo Wasiirka ay ku guul dareesteen inay la kulmaan Xildhibaanada Galmudug ee kasoo horjeeda C/kariin Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug oo lagu cadaadinaayo inay la kulmaan Hogaamiyaha Galmudug ayaa diiday inay la fadhiistaan Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay inaanu la kulmi doonin Guuleed waxa ayna tilmaameen inuusan mudneyn in xilka uu sii hayo.

Xildhibaanada Galmudug ayaa  sidoo kale Odawaa ku eedeeyay inuu doonaayo in C/kariin Guuleed uu sii hayo kursiga.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa ku dooday in Guuleed ay la fadhiisan doonaan keliya marka uu xilka ka dego.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Cadaado ayaa waxaa hadda ka socda kulamo iska soo horjeeda oo leysugu geynaayo Xildhibaanada Labada Aqal iyo kuwa Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News