31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Jawaari oo digniin culus u diray xildhibaanada baarlamaanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa si adag uga hadlay sharciyada Baarlamaanka dalka iyo Hanaanka ay ku dhaqan galinayaan Xildhibaanada.

Jawaari ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka uusan marnaba ka aamusi doonin khaladaadka ay ku kacayaan Xildhibaanada ee aan waafaqsaneyn dastuurka.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaan waliba looga baahan yahay inuu dhaqan galiyo sharciyada, waxa uuna ka digay in Xildhibaanada cusub ay ku dhaqan noqdaan kuwii hore.

”Xildhibaanadu waan wada shaqeyn doonaa laakiin kuma wadashaqeyn karno baalmarka sharciyada, ee waxaan ku shaqeyn doonaa qodobada ku jira Dastuurka”

Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaan waliba looga baahan yahay in waxqabadkiisa uu ku eego sharciga, waxa uuna ku taliyay in laga gudbo qodobka dhibaatada badan abuuray ee Mooshinka.

”Xildhibaanada cusub waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadan Mooshinka afartii sano ee lasoo dhaafay wareeriyay baarlamaanka, waxaan ku tala jirnaa in laga talaabo wax waliba oo khatar galin kara dalka”

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay inaysan dhibaato u horseedin dalka oo ay doortaan Madaxweyne aan ka shaqeyn doonin danihiisa gaarka ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dalka uu ku jiro gacantooda.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in laga dhabeeyo ujeedka dhaarashada ay ku dhaarteen kitaabka alle.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News