26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xildhibaanada cusub oo billaabay dhibaato dhowr bil laga nastay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa bishii la soo dhaafay iyo tan aan iminka ku jirno marti galisay dilal bareera oo ay geysanayaan ilaalada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada oo u badan kuwo laga soo doortay Caasimadaha Gobolada dalka ayaa ilaaladooda ku amray inay xaqiijiyaan Amnigooda waxa ayna taa dhalisay in si bareera ay u toogtaan dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuw wata gaadiidka raaxada.

Xiliyada ay Xildhibaanadu isticmaalayaan waddooyinka ayaa waxa ay ilaalada sidoo kale rasaas ooda uga qaadan gaadiidka ka danbeeya iyo kuwa hareeraha ka socda, iyagoo shacabka u isticmaalaya awooda Qaranka.

Xildhibaanada qaar ayaa ilaaladooda ku amra in gaadiidka shacabka ah oo ay ka shakiyaan ku ridaan rasaas, iyadoo mar kale labaad la amra inay toogtaan, waxaana xusid mudan in labadii bil ee la soo dhaafay ay ilaalada Xildhibaanada siyaabo kala duwan u toogteen ilaa 6 ruux oo shacab ah.

Dowlada Somalia, ayaan dhag jalaq u siin gumaadka ay ciidamada ku hayaan dadka shacabka ah iyo cabashooyinka kasoo yeeraya, waxa ayna taa dhaqan u noqotay in ciidamada ay si ula kac ah u geystaan dilalka iyadoo aan jirin cid arrintaasi kula xisaabtami karta.

Si kastaba ha haatee, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa bilihii tagay ka reestay dilalka noocaasi ah, waxaana iminka muuqaneysa in Xildhibaanada cusub ay soo cusbooneysiiyen falkaasi foosha xun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News