Maxay tahay deeqda ay Jubaland maanta ka heshay laba dal oo waaweyn? + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda SoDMA ayaa maanta deeq gaar gaar ah u dirtay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taas oo loogu talagalauy shacabka ku sugan maamulka Jubbaland.

Shixnaddan oo gaaraysa ill 4,000 oo tan oo deeq gargaar ah ayaa maanta ku xiratay dekedda magaalada Kismaayo, halkaas oo la filayo in shacabka lagu gaarsiiyo

Gargaarkaan waxaa Dakadda Muqdisho ka sagootiyey  Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, oo uu wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka maamulka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.

Sida ay hay’addu sheegtay deeqdan la gaarsiiyay Jubbaland waa qayb kamid ah gargaarkii dhawaan laga helay dowladaha Ruushka iyo Sacuudiga oo kusoo caawiyay Soomaaliya

Hay’adda oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysay gudaha dalka.

“Gargaarkaan ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga,  waxaana hay’adda mar walba ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan xaaladaha adag ee dhanka nolosha ah, waxaana horay ugu dhuuftay Elinino oo saameyn ku yeelatay gobollada maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale intaas usii dheer dagaalka Al-Shabaab oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo oo qaarkood kasoo barakcay guryahooda.