Sawirro: Maxay tahay sababta keentay inuu Axmed Madoobe kasoo dago Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta yimid Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo 4-December ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.

Sidoo kale waxaa Muqdisho imaan doona Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo iyaguna ka qeyb geli doona Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmi doona 4-December sida uu Qorshuhu yahay.

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ayaa dhawaan Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo lagu soo afjarayey khilaafkii weynaa ee ka dhex jiray, waxaana lagu heshiiyey qodobo dhawr ah.

Madaxweynayaasha kale ayaa la filayaa inay Berri iyo Maalinta xigta imaadaan Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas looga hadli doonaa waxyaabo badan oo ku aadan Amniga Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com