24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Sawirro: Maxay wasiirada saddex wasaaradood maanta u gudbiyeen Xamza?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Wasiirada saddex wasaaradood ka guddoomay ballan-qaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023.

Saddexdaan Wasiir ayaa kala ahaa Wasiirka Qorsheynta, maal-gashiga & horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka ganacsiga & warshadaha, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta & federaaleynta ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka dhageystay, islamarkaana su’aalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballan-qaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen, kuwaasi oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran.

Xamza ayaa waxa uu kula dardaarmay wasiirrada in la xoojiyo wada-shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddooyinkii dambe ka guddoomayay Wasiirada xukuumadiisa ballan-qaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, taasi oo qeyb ka ah isla xisaabtanka iyo korjoogteynta howlaha shaqo ee xukuumadda.


- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60