Sawirro: Musharax Jibriil oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee Caasimada Jubaland, si uu ololihiisa doorashada uga bilaabo, waxaana socdaalka uu ku tagay Kismaayo qeyb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo magaalooyinka maamul goboleedyada ee qorshuhu yahay inay ka dhacaan doorashada.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, siyaasiyiin, Saraakiisha ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Dadkii sii dhoweeyay Musharraxa aay taagnaa waddooyinka, iyagoo lulayay caleemo qoyan iyo sawiradiisa.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo la hadlay dadkii soo dhoweeyay ayaa ka mahad celiyay sida dadweynihii isugu soo baxay saaka ee taagnaa waddooyinka inay muujiyeen qiiro wadaninimo.

“Waxaan u mahad celinayaa dadka isku soo baxay ee qiiradooda wadanimo muujiyay ee saaka illaa hada qoraxda oo kulul taagnaa waddooyinkam waligeed Soomaali ayaa isku heysteen, qoraxda waxaa u taagan tihiin inaa xaqiina heshaan, waana heli doontaan afarta sano ee soo socota”ayuu yiri Musharrax Jibriil.

1612345678900111212131415161718







 

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com