Maamulka Shariif Xasan oo soo gudbinaya xubnaha laga sugayay muddo badan

Baydhabo (Caasimada Online) – Xubnaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo dooranaya wakiilada aqalka sare u matalaysa maamulkaasi.

Doorashada maanta oo ah mid si weyn loo wada sugayo ayaa waxaa koofur Galbeed la doonayaa iney kasoo baxaan 8 xubnood oo u matalaya aqalka sare ee baarlamaanka.

Ku dhawaad 16 xubnood ayaa ku tartami doona aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana kasoo baxaya sideed ruux oo si rasmi ah u matalaysa maamulka Koofur Galbeed.

Xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed ayaa ku xaroonaya hoolka baarlamaanka, waxaana kadib ay soo xulanayaan masuuliyiinta maamulkooda matali doonto.

Galmudug ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay ee soo gudbiya wakiilada aqalka sare u matalaya waxaana kamid ah xubnaha lasoo gudbiyay Abshir Bukhaaro & Cabdi Qeybdiid.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online|
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com