Maxaadan la socon oo maanta ka socda magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland lagu qabto doorashada Aqalka Sare ee dowlada Somalia, kuwaasi oo ka imaan doona dhanka Jubbaland.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Jubbaland, ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay qabashada doorashada waxa uuna sheegay in liiskii uu soo magacaabay madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe uusan waxba iska bedelin.

Afhayeenku waxa uu sheegay in maalinta oo Arbaca ah uu Barlamaanku bilaabi doono doorashadda xubnaha aqalka sare u tartamaya.
Afhayeenka waxa uu sheegay in dhammaan xubnaha sharaxan ay xaq u leeyihiin in xuquuqdooda la siiyo oo ay tartamaan.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, wuxuu difaacay liiska Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, kaasi oo Guddiga doorashadda Dadban ee heer federaal, ay dib ugu celiyeen, iyagoo sheegay inaysan ka muuqan saamiga haweenka ee %30.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay in doorashadu ay kusoo dhamaan doonto guul waxa uuna meesha ka saaray inay jiri karto Musuq-maasuq.

Maamulka Jubbaland ayaa qoondo ahaan u helay aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana laga doonayo in xubnahaasi ay labo ka mid ah noqdaan haween sida uu dhigayo heshiiska madasha hoggaamiyaasha Qaran ee qoondada haweenka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Kismaayo maanta ka socda qabanqaabada doorashada Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com