Maxay beesha Jareerweyne ku badasheen xilka gudoomiyaha baarlamaanka HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Beesha Jareerweyne ay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka HirShabelle ku bedesheen Darajooyin ciidan oo uu u ballanqaaday Madaxweynaha Somalia.

Xilka Guddoomiye Baarlamaan ee HirShabelle ayaa waxaa sharci ahaan lahaa Beesha Jareerweyne balse waxa ay is hortaag kadib qaaten in ballanqaad la xiriira in ilaa 12 dhalinyaro looga dhigaayo Saraakiil ciidan.

Beesha ayaa waxa sidoo kale lagu qanciyay in lasiin doono Taliyayaal saldhig, inay hogaamin doonaan cutubyo ciidan oo uu maamulka yeelan doono.

Ballanqaadkaani ayaa waxa uu imaaday kadib markii Beesha Jareerweyne ay is hortaag ku sameysay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo ugu danbeyntii qaatay dalacsiin Saraakiil.

Beesha Jareerweyne oo deegaan rasmi ku ah Gobolka Sh/Dhexe, ayaa waxaa sidoo kale qalqal laga galiyay kuraasta ay ka heli lahaayen Xukuumada waxaana soo baxaaya in loo ogolaaday keli hal Wasiir ku-xigeen.

Xilalka ugu badan ee maamulka HirShabelle ayaa waxaa kala qeybsaday Beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo iyagu ku loolamaaya awood qeybsiga.

Ma cadda sida ay Beesha Jareerweyne ku raali noqon doonto marba haddii awoodooda lagu soo koobay Wasiir ku-xigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com