Xog cusub: Odawaa oo qorshe culus u gudbiyey CC Cosoble

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar kulan aan caadi aheyn kuwada qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa iyo Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdallaahi Cosoble.

Wasiir Odawaa ayaa Madaxweyne Cosoble sharaxaad guud ka siiyay qaabka uu usoo dhisi doono Xukuumada ay uu yeelan doono maamulka.

Odawaa ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Cosoble uu Xukuumadiisa ka ilaaliyo xubnaha sida cad kaga soo horjeeda DFS, gaar ahaan dib usoo laabashada Xassan Sheekh.

Odawaa waxa uu Cosoble u sheega in Xukuumadiisa cusub ay u badnaadan xubno aan caqabad ku noqon doonin jiritaan maamulka si buu yiri aysan u dhicin caqabado hor leh oo soo foodsaarta horumarka laga filaayo in maamulka uu tiigsado.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in Odawaa uu Madaxweyne Cosoble gudoonsiiyay bashqad lagu soo riday dhowr xubnood oo la aaminsan yahay inay kamid noqon doonaan Xukuumada Somalia, kuwaasi oo uu wato Madaxweynaha Somalia, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Bashqada loo dhiibay Cosoble ayaa la sheegay inay ku jirto warqad ay ku hardhan yihiin dhowr qof oo saaxiibo dhow la ah Xsasan Sheekh kuwaasi oo dowlada ku qaday tan iyo markii la doortay Madxaweyne Xassan.

Madaxweyne Cosoble ayaa soo dhaweeyay tallooyinka uu usoo jeediyay Wasiir Odawaa, waxa uuna sidoo kale ballanqaaday inuu dhaqan galin doono Bashqada kaga imaaday dhanka Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Cosoble, ayaa lagu wadaa in si degdeg ah uu kusoo dhiso Xukuumada Maamulka cusub, waxaana inta badan diyaarsan xubnaha kamid noqon doona Xukuumada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cosoble ayaa la hadal hayaa inuu kamid yahay Kooxda Damuj-Jadiid, ee tallada dalka heysa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com