Sawirro: Muuse Biixi oo 2 shuruud oo adag ku xiray wada-hadallada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalladii maamulka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika.

Muuse Biixi ayaa u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay markan Somaliland dalbanayso shuruud ah in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale wada-hadallada ku xiray deeqaha Turkiga oo dhex-dhexaad noqda.

Waxa uu sheegay in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.