Sawirro: Muuse Biixi oo la kulmay wafdiyo kala duwan oo ka socday caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda 18-May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qayb-geli lahaayeen maalintooda.

Xubnaha wafdiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka reer Somaliland uga sideen mas’uuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale xubnaha wafdiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xiriir wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay kamid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qayb-galka dabbaal-degga maalinta 18-May.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey.

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuquraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Somaliland.

Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa kamid ah wafdiyo kala duwan oo Somaliland u yimid ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo maalintii shalay aheyd laga xusay dhamaan deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com