Sawirro: Muxuu ergeyga dowladda Qatar kala hadlay Qoor Qoor iyo Guudlaawe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee ka socda dowladda Qatar, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maanta si gaar-gaar ah magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle.

Dr. Al-Qahtani oo madaxweynayaasha kula kulmay hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa uu kala hadlay khilaafka doorashada iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee kal hore isku rogay dagaalka.

Ergeyga ayaa Qoor-Qoor iyo Guudlaawe u bayaamiyey doorka ay Qatar ka qaadaneyso xal u helida qalaalasaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka doorashooyinka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Labada madaxweyne oo dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu laalay Golaha Shacabka ayaa waxay hore u taabacsanaayeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, wallow ay ku kala aragti fogaadeen muddo kororsiga uu dagaalka ka dhashay.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ah kuwo uu Ergeyga gaar ah ee Qatar la qaadanayo madaxda Soomaalida, ayada oo labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kula shiray ra’iisal wasaaraha, labada guddoon ee baarlamaanka iyo musharraxiinta mucaaridka.

Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay bilowday Qatar ayaa kusoo aadaya, xilli lagu wado in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadalladii doorashada ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, kuwaasi marar badan fashilmay.