Villa Somalia oo jawaab ka bixisay warbixintii uu New York Times ka qoray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay warbixin xasaasi ah oo uu wargeyska New York Times ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, iyo inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, islamarkaana uu wajahay baaritaan ay sameysay dowladda Mareykanka.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa beeniyay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu haysto dhalashada dalka Canada, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha la xiriira in dacwad looga furay Mareykanka.

“Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira. Madaxweynahu waxa uu haystaa baasaboorka Soomaaliya, hore-na wuxuu u haystay ka Maraykanka, waana kii iska dhiibey madaxweynuhu, si uu shaqadan uu u dhaartay ee madaxtinnimo ee dalka uu si hufan ugu guto. Ma jirto markaa dal kale oo dhalashadiisa uu haysto oo aan ka ahayn Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu haysto baasaboorka Soomaaliya oo keliya, xili uu dhawaan shaaciyey New York Times in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, midaasi oo aan hore loo ogeyn.

“Sababta madaxweynuhu u celiyey baasaboorka Mareykanka waa sheeko dheer, faah-faahinteedana aan hore u bixinay, kuma jirto marnaba inuu sababo kale u dhiibay, haba yaraatee madaxweynaha weligii laguma soo oogin wax dacwad ah,” ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda wax dacwada oo xilliyadas kaga socotay Maraykanka ma jirto, weligiina laguma soo eedayn.”

Cabdirashiid ayaa meesha ka saaray in Farmaajo uu door hogaamineed ku lahaa jaaliyada Buffalo, isagoona ku tilmaamay been abuur eedeymaha la xiriira inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya.

“Way jirtaa in uu ahaa abaabule aqoonyahan ah, dhanka siyaasaddana uu ku jiray oo xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, labadana u soo shaqeeyey. Balse marnaba ma dhex gelin (jaaliyadda), guddoonna uma noqon, intii uu halkaa joogay, rag badan baa caan ku ahaa oo la weydiin karaa reer buffalo-na ay yaqaannaan,” ayuu yiri.

Warbixin ay dhawaan baahisay New York Times ayaa shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaalada Buffalo ee gobolka New York, oo tusaale u noqon karta hanaankiisa siyaasadeed ee hadda meesha halista ah istaajiyey Soomaaliya.

“Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale warbixintaas ayaa lagu sheegay in madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday uu dhalashada Mareykanka iska dhiibay, xili ay socdeen baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa (lacagihiisa), sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah.

IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadniinta Mareykanka, haddii lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Isaga oo ka tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo wuxuu ka baxay xeendaabkii ay ku baari kartay IRS.