Ciidamadii iyo gawaaridii uu la goostay Captan Muumin oo dib loogu soo celiyey DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, waxaa dib loogu celiyey gacanta Dowladda Soomaaliya ciidamo iyo gawaari uu lasoo goostay Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud oo xalay ku biiray ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran.

Arrintaan ayaa ku timid wadahadal dhex maray Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaalla.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran iyo xubnaha ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Taliye ku-xigeenkii Haramcad Muumin Ciise Maxamuud, taasoo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay si guul ah.

Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin ayaa ku adkeystay inuusan dib ugu laabaneyn gacanta Dowladda Soomaaliya, wuxuuna isaga si rasmi ah ugu biiray ciidamada diidanaa muddo kordhinta ee gacanta ku hayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamadii la socday Muumin ayaa cudur daar ka bixiyey tallaabadii ay ku dhaqaaqeen, waxayna sheegeyn inaan lagu war gelin go’aanka soo goosashada islamarkaana ay aheyd wax ku kooban taliye ku xigeenka.

Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka ee dib looga noqday.

Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho.