Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.
Odowaa oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka.
Dhankooda saraakiisha howl-galka EUTM ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin wada-shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga taageero dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale tababaradooda.