Xog: Saddexda xildhibaan ee MURSAL ka dhaadhiciyey inuu ka laabto go’aankii uu ka qaatay 15-ka xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha shaacbka Maxamed Mursal ka noqday go’aankii uu 15 xildhibaan uga mamnuucay muudo shan fadhi ah inay kasoo qeyb galaan, taas oo abuurtay buuq iyo jahwareer soo wajahay golaha.

Xildhibanadaan waxay buuq ka sameyeen kulan ay Sabtida todobaadkaan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka, waxayna diidanaayeen in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibanadaan oo ah kuwa mucaradka ah ayaa shalay laga hor istaagay in ay ka qeyb-galaan kulan ay yeesheen xildhibanada golaha shacabka ee waqtigu ka dhaamaday, kaas oo lagu ansixiyey laba xubnood, warbixina looga dhageystay wasiirka caafimaadka.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gadiidka gaashaaman ayaa maanta la soo dhoobay baraha control ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah iskoysyada Muqdisho, kuwaas oo xildhibaanadan u diiday inay garaan xarunta golaha shacabka.

Xildhibaano uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Sheekh Aadn Madoobe, qeybna ay ka ahaayeen wasiirkii hore ee warfaafinta Xildhibaan Maxamed Maareeye iyo wasiirkii hore ee howlaha  guud Xildhibaan Cabdifitaax Geesey ayaa habeen hore guddoonka ka dalbaday in cafis u fidiyo 15-ka xildhibaan ee laga ganaaxay fadhiyada golaha.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in xildhibanadaan ay ka soo qeyb-geli doonaan fadhiga u horeeya ee Sabtida dhacaya.

Sidoo kale guddoonka ayaa xildhibanadii u tagay ku war-galiyey in hadii uu mudo kororsi jiro uu noqon doono ajande waadax ah, golahana la hor keeni doono si ay uga doodaan, oo aysan jirin wax la qarin doono, sidaas darteedna aan buuq loo baahneyn.