Sawirro: Muxuu R/W Kheyre kusoo arkay Dekadda magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, waxaana uu indho indheen ku sameeyey sida ay u socoto shaqada Dekedda oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’isul wasaaraha ayaa si siman u kormeeray Xafiisyada Dekadda waxa uuna xafiisyada qaar ku arkay nidaam dowladeed, halka qaarna ay ahaayen kuwo ay maqnaayen mas’uuliyiintii ku magacawnaa.

Xafiisyada qaar ayaa waxaa isku dhex yaacsanaa dukumiintiyada, halka sidoo kale qaarna ay ahaayen kuwo nidaamsan, maadaama maamulkii hore xilka laga qaaday.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa xog wareystay qaar kamid ah howlwadeenada Dekadda magaalada Muqdisho oo iyagu inta badan muujiya cabashooyin dhanka shaqada ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna sidoo kale ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekadda, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ku bogaadiyey howl wadeenada Dekedda Muqdisho inay laba jibaaraan shaqada ay hayaan.

Ra’isul wasaaraha ayaa dhawaan maareeyaha Dekedda u magacaabay, Axmed Washingtong, iyadoo xilkii laga qaaday maareeyihii hore C/laahi cali nuur, sheegeyna inuu qeyb ka yahay isbedelkaas dadaalada loogu jiro hormarka dalka.