Xildhibaanada Baarlamaanka FS oo maanta doortay Guddi qaban doona howlo adag

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada BFS ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano dhan 200, waxaana shir gudoominaayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib iska soo dhex xulay 5 xubnood kuwaa oo Golaha shacabka u matalaya Guddiga dabagalka iyo dhaqan gelinta Dastuurka dalka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale dalbaday in xubno kale oo gaaraya ilaa 5 xubnood laga soo dhex xulo Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Xubnaha laga soo dhex xulaayo Aqalka Sare ayaa si dhow ula shaqeyn doona Baarlamaanka Somalia, waxa ayna sidoo kale kamid noqon doonaan Guddiga dabagalka iyo dhaqan gelinta Dastuurka dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si xooli ah u shaqeynaaya, waxa uuna ujeedku yahay in si wada jira loo dajiyo nidaamka ay ku shaqeyneyso dowlada.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay in Guddiyada laga soo kala xuli doono labada dhinac ay si wada jira u shaqeyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com