Sawirro: Nigeria oo soo bandhigtay 100 ka tirsan Boko Haram oo Wanted ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’addaha amaanka dalka Nigeria, ayaa soo bandhigay xubnaha ka tirsan Boko haram ee sida ba’an ay u baadi goobayaan Ciidamada Amaanka.

Hay’aduhu waxa ay soo bandhigeen sawirada 100 Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Boko Haram oo ay ku tilmaamen inay yihiin kuwa qaska iyo carqaladeynta ku hayo dalka Nigeria.

Saraakiisha Hay’addaha amaanka ayaa dadka shacabka ah ka dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan amaba ay Hay’addaha kusoo wargaliyaan shaqsiyaadka muhiimka u ah Dowlada ee sida ba’an ay u baadigoobayaan Ciidamada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in cidii macluumaad waafi ah ka keento shaqsiyaadkaasi uu muteysan doono abaalmarino qaali ah, islamarkaana shacabka ay tani fursad u tahay.

Sawirradani lasoo bandhigay ayaa waxaa laga soo qaatay muuqaalladii dacaayadaha ahaa ee ay horay u sii daysay kooxda, sida filimmadii iyo warbixinnadii ay Boko Haram kaga hadleysay dagaallada ay ka waddo dalka Nigeria.
Sawirrada_Xubno_ka_tirsan_Boko_Haram_660