Sawirro: Nin iibsaday gaari ay laheed dowladda Soomaaliya oo maanta mag-dhaw bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye ayaa qaaday tallaabo dhif iyo naadir ah, ninkaan markii ay burburtay dowladii dhexe Soomaaliya waxaa gacantiisa ku jiray Gaari kuwa Xamuulka qaada ah oo dowladu ay laheyd.

Wuxuu ka tirsanaa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, markii ay dowladdu burbrutay ee dalku uu dagaallo sokeeye cagaha la galay wuxuu iibiyey gaarigii dowladda ee gacantiisa ku jiray.

Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay in gaarigii uu ku iibiyey lacag dhan 12,500 oo dollar, maadaama aysan jirin xiligaas dowlad uu ku wareejiyo.

Markii uu iibsaday gaarigii wuxuu ka cararay dalka oo dagaallo ay ka socdeen, wuxuuna ka mid noqday Soomaalidii gashay waddanka Ingiriiska.

Cabdiraxmaan ayaa 32 sano kadib ku soo noqday Soomaaliya wuxuuna go’aansaday lacagtii uu gaariga dowladda ku iibsaday uu hadda ku soo celiyo dowladda, maadaama ay tahay Hanti-Qaran.

Ugu dambeyntii maanta ayuu Cabdirixmaan lacagtii si toos ah ugu shubay Bangiga Dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waa dhif in dadkii boobay ama xiligaas si un ay xagooda u martay hantidii dowladda ee dib ugu soo celiyey qaranka, markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad xoog leh oo hey’ado dhisan leh aadna u qalabeysan, inta badan hantidii dowladda waa la boobay, mana badna dadka go’aansaday inay dib u soo celiyaan xisaabihii dhinacooda maray, si lamid ah geesinimada uu maanta sameeyey Cabdiraxmaan Wehiye.